Mogadishu (SP) - Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) oo la hadlay saxaafada ayaa ku eedeeyey Al Shabaab in ay ahaayeen kuwi ka dabeeyey dilka Barre oo ka tirsan Xisbul Islaam.
"Waa wax iska cad in Shabaab ay ka danbeeyaan dilka Barre,Barre waxa uu ahaa nin la yaqaano waxana lagu dilay Bakaaro marka Al-Shabaab waa lagu yaqaanaa falalka noocaasi oo kala ah waana koox baneeysatay dhiiga umada oo dhan" ayuu yiri Indhacade.
Mr Indhacade ayaa ugu baaqay kooxda Xisbul Islaam in ay la midoobaan dowlada KMG ah mar hadii Al-Shabaab ay u aqoonsatay koox murtadiin ah sida uu hadalka u dhigay.
"waxaan u sheegayaa Xisbul Islaam in Shabaab xagooda ay ka yihiin Muratadiin anagana sidaas oo kale murtadiin baan xagooda ka nahay,marka walaalaheyga Xisbul Islaam waxaan leeyahay anaga idin jecel ee noo imaada oo nala midooba" ayuu intaasi kisii daray Yusuf Siyaad.
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli ururka Xisbul Islaam aysan wali ka hadlin dilka loo geystay Bare Cali Bare oo ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsanaa ururkooda kaasoo dharaar cad maanta lagu dilay gudaha Bakaaro.
Dhinaca kale Indhacade ayaa ku eedeeyey Al-Shabaab in ay dhac baahsan ka wadaan Gobolka Sh/hoose.
Wuxuu tilmaamay in Al-Shabaab ay zako baad ah ka qaataan xoolaha,beeraha iyo ganacsiga dadka ku nool gobolkaasi.
C/risaaq C/laahi
Sanaagpost News Desk