Shirkada Shidaalka ee SAME GAS oo xarun cusub ka furatay magaalada ceerigaabo ee Xarunta goboka sanaag ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ganacsato iyo waxgarad kala duwan,Waxaana xafladaasi ay ahayd midii ugu balaadhnayd ee ka dhacda degaanada gobolka sanaag ee Xarunta Magaalada Ceerigabo.
Mareeyaha guud ee Shirkada shidaalka ee SAM GAS Enjiner C/laahi Axmed daamur ayaa sheegay inay waxbadan bulshada u qaban doonto shirkadani laga hirgelindoono degaano hoos yimaada caasumada Ceerigbo oo aan iminka lahayn Same gaskan shirada ah ee dhinaca dabka qaabilsan.
Munaasibadii xariga looga jaray Furitaanka shiradan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay duqayda dhaqanka Magaalada Ceerigaabo Saladiin iyo Weliba Masuuliyiin dhinaca Maamulka Degmada iyo kan gobolka Magaalad Ceerigaabo ka soo kala jeeda iyadoo beryihii u damayey ay jireen dedaalo dhinaca Degmada ah ee shirkadaha iyo Hay,adduhu ay bulshada reer Ceerigaabo wax ugu qabanayaan.
Maxamed Axmed Ciise
Sanaagpost/News Desk